Ciidamada Suudaan oo Weerar ku Qaaday Fariisimo ay Maleeshiyaadka RSF ku Leeyihiin Khartoum.

32
0

Ilo-wareedyo gudaha ah ayaa warbaahnita u sheegay, in ciidamada Suudan ay subaxnimadii Arbacada weerar ku qaadeen fariisima ay ku sugan yihiin ciidamada Taageerada degdega ah (RSF), oo ku yaalla bartamaha Khartuum iyo Bariga Niil.

Wararka ayaa sheegaya, in ciidamada ay ka soo ambabaxeen saldhigyo ay ku lahaayeen Al-Muqran oo ku sii jeeda bartamaha magaalada Khartoum iyo hareeraha madaxtooyada, si ay madaxtooyada dib ugala wareegaan ciidamada Taageerada degdega ah oo maamulaya  tan iyo maalmihii ugu horeeyay ee dagaalka.

Dhanka kale, ilo goob joog ah ayaa warbaahinta u sheegay, in ciidamada Suudan la geeyay xaafado dhowr ah oo bari ka xiga wabiga Niil, sida Al-Naseem iyo Al-Xaj Yuusuf.

Talaadadii Shalay, ciidamadu waxay ku dhawaaqeen, inay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Jiyaad oo dhacda waqooyiga gobolka Al-jaziira, oo ah magaaladii ugu dambaysay ee gobolkaasi oo 50 KM dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda Khartoum, kadib markii ay gacanta ku hayeen ciidamada Taageerada degdega ah tan iyo markii uu dagaalka qarxay 15-kii April, 2023-kii.

Haddaba, ciidamada ayaa isku fidiyay dhammaan magaalooyinka gobalka Jaziira marka laga reebo deegaamo iyo tuulooyinka dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Jiyaad, illaa Khartuum laga gaaro.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay ciidamada ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalooyinka Hasahisa, Rafaa, Al-Kamlin iyo Abu Gota oo ka tirsan gobolka Jaziira.

11-kii Janaayo, Ciidanka Suudaan waxay ku dhawaaqeen inay galeen Wad Madani, oo ah caasimadda gobalka Jaziira, taasoo qiyaastii hal sano  ay gacanta ku hayen Ciidanka Taageerada Degdegga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here