Ciidamada Yahuudda oo ka insixaabay xerada Farca ee gobolka Tubas.

22
0

Ciidamada Yahuudda ayaa saaka ka insixaabay xerada Farca ee gobolka Tubas oo dhaca waqooyiga daanta galbeed ee dhulka la haysto, kadib 11 maalmood oo ay xoog ku qabsadeen xeradaasi, isla markaana ay mamnuuceen dhaq-dhaqaaqa iyo socdka dadka shacabka ah ee ku nool.

Ciidanka Yahuudda ayaa ka tagay burbur weyn oo ku yimid kaabayaasha dhaqaalaha iyo guryaha Falastiiniyiinta ee xarada.

Taas bedelkeeda, ilo-wareedyo ayaa Aljazeera u sheegay, in iska hor imaad uu dhex maray dhalinyaro Falastiini ah iyo ciidamada gumaysiga ee ku sugan xerada Al-Arroub ee waqooyiga Al-Khalil, ee koonfurta Daanta Galbeed.

Mareegaha maxaliga ah ee Falastiiniyiinta ayaa daabacay muuqaalada duulaanka ay ciidamada gumaystaha ku qaadeen xerada Al-Arroub ee ku taalla magaalada Al-Khalil, ee waqooyiga daanta galbeed, taasoo qayb ka ah hawlgalka milatari ee ay ciidamada Yahuudda ka bilaabeen xeryaha iyo magaalooyinka Daanta Galbeed toddobaadyadii la soo dhaafay.

Muuqaallada ayaa muujinayay cagaf-cagafyada gumaystaha oo billaabay inay burburiyaan guri ku yaalla afaafka hore ee xerada, iyadoo ay u sii dheer tahay inay ciidammada gumaystaha xabsiga u taxaabeen tiro badan oo Falastiiniyiin ah.

Ciidamada Yahuudda ayaa sidoo kale weerar ku qaaday xarunta caafimaadka ee hay’adda UNRWA ee ku taalla xerada Al-Arroub, waxayna burburiyeen qaar ka mid ah agabkii ku jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here