Saacado kaddib markii Zelensky uu ku dhawaaqay soo jeedintiisa ahayd is waydaarsiga dhuleed, Ruushka ayaa weerar uu u adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn ku qaaday magaalada Kyiv, halkaas oo uu ku dilay hal qof afar kalena ku dhaawacay, oo uu ku jiro ilmo yar, iyadoo ay  waxyeelo soo gaartay dhismayaal la deggan yahay.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay, in ay bartilmaameedsatay goobaha warshadaha ee lala xiriirinayo wax soo saarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyadoo xustay in dhammaan weeraradaasi lagu guuleystay.
Dhanka kale, Gurmadka deg degga ah ee Ukraine ayaa ku dhawaaqay in illaa 120 gurmad ay gaareen 3 goobood oo ay duqeyntu saameysay, waxaana maamulka uu xaqiijiyay in la damiyay dabkii ka dhashay gantaalada iyo weerarada Drones-ka.
Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa xaqiijiyay inay u suurtagashay inay soo ridaan 6 gantaal iyo 71 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn oo kamid ahaa 123 dioyaaradood oo uu Ruushku u adeegsanayay weerarda Ukraine.
Dhiniciisa, Zelensky waxa uu sheegay weerarka kaddib in Putin aanu diyaar u ahayn inuu qaato nabad, balse uu doonayo inuu sii wado gumaadka reer Ukraine iyo burburinta magaalooyinkooda, isagoo ku baaqay in cadaadis caalami ah la saaro Ruushka.