Diyaarad ay Leeyihiin Ciidamada Badda ee Mareykanka oo ku Burburtay Xeebaha Dalkaas.

26
0

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada badda ee Mareykanka ayaa Arbacadii ku burburtay xeebaha magaalada San Diego ee gobalka California, balse laba shaqaale oo saarnaa diyaaradda ayaa lagu guulaystay in lasoo badbaadiya iyagoo badqaba, sida uu sheegay sarkaal Ameerikaan ah.

Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la xigto, ayaa intaa ku daray in diyaaradan ay tahay nooca EA-18G Growler, taasi oo loo adeegsado dagaalka dhanka Elektarooniga ah.

Ma cadda sababta keentay shilkan diyaaradeed, balse ciidamada ilaalada xeebaha ayaa soo badbaadiyay labadii duuliye ee la socday diyaaradda oo qaada laba qof oo kaliya.

Duulimaadyada militariga ee Mareykanka ayaa baaritaan lagu sameeyay, kadib markii diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ay ku dhacday diyaarad rakaab ah, shilkaas oo ka dhacay  magaalada Washington, waxaana ku dhintay 67 qof, balse baaritaankaas wax natiija ah kama soo bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here