Ilo wareedyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay maanta oo Khamiis ah, in lagu guulaystay xiriirkii lagu sii ambaqaadi lahaa fulinta qodobadii heshiiska xabad joojinta ee Gaza, kadib markii dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ay ku dhawaaqeen in dib loo dhigay sii deynta maxaabiista Yahuudda, ilaa inta ay gumaystuhu u hoggaansamayaan qodobbada heshiiska.
Ilo wareedkan ayaa sheegay, in dhexdhexaadiyayaasha ay xaqiijiyeen inay ka go’an tahay fulinta dhammaan qodobbadii lagu heshiiyey oo ay ka mid yihiin hab-maamuuska bini’aadantinimo, iyagoo xusay in guryaha guur-guura iyo agabka culus la gayn doona Gaza, kadib markii uu gumaystuhu carqaladayay arrintaas dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay.
Dhanka kale, Xamaas waxay xaqiijisay – bayaan ay soo saartay – inay sii wadi doonta fulinta heshiiska si waafaqsan wixii la saxiixay, oo ay ku jiraan isdhaafsiga maxaabiista sida ku cad jadwalka la cayimay.
Waxay intaas ku dartay, inay wadahadal ay la yeelatay dhexdhexaadiyeyaasha si ay ugala hadasho dhaqangelinta heshiiska xabbad joojinta iyo is-dhaafsiga maxaabiista, gaar ahaan kadib ballan ka bixii gumaystaha.
Waxa ay sheegtay in wafdigeeda ay kulan magaalada Qaahira kula yeesheen madaxa hay’adda sirdoonka Masar, Hassan Rashad, ayna wada-hadal dhanka taleefoonka ah kula yeesheen ra’iisul wasaaraha Qatar, ahna wasiirka arrimaha dibadda, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.
Waxay tilmaantay in xiriirrada ay diiradda saareen keenista teendho, qalab culus, sahay caafimaad, shidaal iyo sii wadida gargaarka bani Aadantimo ee Marinka Gaza.
Waxa ay tilmaantay Xamaas, in wada-hadalladaasi ay ahaayeen kuwo niyad wanaag ku dheehan tahay, dhexdhexaadintii Masar iyo Qatarna ay xaqiijiyeen in meesha laga saaro caqabadaha iyo dulduleeladii jiray.
Taa baddalkeeda, Idaacadda ciidamada Yahuudda ayaa sheegtay, in la isku raacay in si degdeg ah loo oggolaado gelitaanka marinka Gaza gaadiidka iyo qalabka culus si uu heshiisku u sii socdo.