Dawladda Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay dileen rag hubaysan oo qorsheynayay inay qarxiyaan xarun tareenada laga raaco oo ku taalla galbeedka magaalada Pskov ee dalka Ruushka.
Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay, in canasiirta la dilay ay sameeyeen iska cabin xooggan oo ay kala hor tageen ciidamada amaanka ee dalkaas, halkaas oo ugu dambayntii lagu toogtay.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo tooganaya nimanka weerarka soo qaaday, waxaa sidoo kale muuqaalada lagu arki karaa hubkii ay wateen xumnaha la toogtay oo lagusoo bandhigay goobta uu dagaalku ka dhacay.
Laamaha ammaanka ee Ruushka ayaa sheegay, in kooxdan ay ka tirsan yihiin dal aan la cayimin oo ku yaalla bartamaha Aasiya, isla markaana aan la garanayn haybtooda, kuwaas oo looga shakisan yahay inay horay u fuliyeen weeraro kuwan lamida.
Bishii Maarso ee sanadkii hore, rag hubeysan ayaa sidan oo kale weerar ku qaaday dhismaha Crocus ee duleedka magaalada Moscow, kuwaas oo rasaas ku furay dad ka qeybgalayay goob riwaayadaha lagu dhigo, waxayna dab qabadsiiyeen dhismayaal meesha ku yaallay taas oo keentay inay dhintaan 145 qof.