Ciidamada RSF oo Dab Qabadsiiyay Xerada Barakacayaasha ee Ugu weyn Dalka Suudaan.

27
0

Xooggaga Taageerada degdega ah ayaa dab qabadsiiyay goobo badan oo kamid ah xerada qaxootiga ee ugu weyn Suudan, iyagoo si aan kala sooc lahayn u rasaaseeyay dadka rayidka ah.

Ugu yaraan Toddobo qof ayaa ku dhintay, 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarro lala beegsaday xerada Zamzam tan iyo Talaadadii, sida ay sheegeen Dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn oo maamula mid ka mid ah tas-hiilaadka caafimaad ee ugu badan xerada Al-Fasher, ee caasimadda gobolka Waqooyiga Darfur.

Xerada Zamzam ayaa hoy u ah ku dhawaad ​​boqollaal kun oo qof oo barakacayaal ah, waxayna gabaad u tahay dadka rayidka ah ee ka soo qaxay colaadda ka taagan magaalada Al-Fasher, taas oo la kulmaysay weeraro xooggan oo lagu dilay laguna dhaawacay tobanaan kale.

Maleeshiyaadka RSF ayaa gaysta gabood falo baahsan oo ka dhan ah dadka shacabka ah, weeraradan ayaa imaada marka kasta oo ay goob ku jabaan, arintan ayaana imaatay kaddib markii ciidamada dawladda Suudan ay duqayn culus ku beegsadeen xarumaha maleeshiyaadkan ay ku leeyihiin hareeraha magaalada Al-Fasher.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here