Kulamo Hurudhac oo u Dhexeeya Dawladaha Mareykanka iyo Ruushka oo ka Furmay Sacuudiga.

32
0

Maanta waxaa magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sacuudiga ka socda kulamo u dhaxeeya Mareykanka iyo Ruushka, kaasi oo looga gol leeyahay in la isugu soo dhaweeyo labada dal, lagana wada hadlo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ukraine, isla markaana la diyaarin lahaa faylalka shir madaxeedka soo socda ee u dhaxeeya Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo isna ka dhici doona isla magaalada Riyadh.

Dhinaca Maraykanka waxaa u matali doona xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio, ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Bariga Dhexe Steve Witkoff, iyo la taliyaha amniga Mareekanka Mike Waltz, halka dhanka Ruushka uu u matali doono wasiirka arrimaha dibadda Sergei Lavrov iyo kaaliyaha madaxweyne Putin Yuri Ochako.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa kulan horudhac ah shalay la qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, oo markii ugu horreysay booqasho ku imaanaya gobolka tan iyo markii xilka loo magacaabay.

Dhankeeda, wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay, in kulamada uu xoghaye Marco Rubio la yeelanayo madaxda sare ee Bariga Dhexe ay kor u qaadi doonaan danaha Maraykanka ee guracan ee ka dhanka ah Falastiin.

Dhanka kale, afhayeenka Kremlin Dmitry Peskov ayaa sheegay, in kulanka Riyadh  lagu go’aamin doonaa ugu horrayn dib u dhiska xiriirka u dhaxeeya Ruushka iyo Maraykanka ee dhinac walba ah, iyo sidoo kale diyaarinta wada xaajoodka suurto gal ah in lagu xaliyo xaaladda Ukraine, iyo qabanqaabinta kulanka labada madaxweyne waa Putin iyo Trump ee.

Qoyska Aala Sucuud oo ku amar taaglaynayo dhulkii ay kasoo hanaqaaday Risaalada Maxamadiyada, iyo halka ay ku yaalaan labada Xaram ee barakaysan, ayaa maanta u xusul duubaya inuu dhexdhexaadaya labada dawladood ee manta calanka u sida kufriga caalamiga ah, taas oo khubarada ay ku macneeyeen ihaanaysi ka dhan ah diinta Islaamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here