Ciidamada Dawladda Suudan oo ku Dhawaaqay Qabsashada Deegaano Dhowr ah oo ka Tirsan Magaalada Caasimadda ah ee Khartoum.

26
0

Ciidamada dawladda Suudan ayaa ku dhawaaqay, in ay dib ula wareegeen gacan ku heynta deegaano dhowr ah oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Khartoum, ayadoo gabi ahaanba deeganadaas laga saaray ciidamadii maleeshiyaadka Dacmu Sariic.

Dawladda Suudaan ayaa sheegtay, in ciidamadeeda ay u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan Isbitaalka Universal ee ku yaalla duleedka xaafada Kober ee magaalada Khartoum Bahri, ayadoo ay ciidamadani kusii  siqayaan dhidibka Kober.

Ilo goob joog ah ayaa soo sheegay, in ciidamada Suudan ay duqeeyeen fariisimaha maleeshiyaadka Taageerada degdega ah ee ku dhow madaxtooyada ee bartamaha magaalada Khartoum.

Ciidamada Suudan ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in ay dib ula wareegeen gacan ku haynta xarumaha Shidaalka ee Caasimada iyo Waddada weyn ee Sajana ee marta bartamaha magaalada Khartuum.

Illo goob joogayaal ah ayaa daaha ka qaaday in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen nidaamka warshadaha difaaca, halkaas oo ay ciidamada Taageerada degdega ah ka maamulayeen deegaanka Kafouri ee waqooyiga Khartoum.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidanku ay la wareegeen xarumaha Booliska ee ku taalla Xaafadda Kober iyo Bariga Magaalada Khartoum Bahri, kaddib markii ay isaga baxeen ciidamadii ku sugnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here