Shacabka Reer Suuriya oo Caro Xooggan ka Muujiyay Muftiga Nidamkii Bashaar Al-Asad Ahmed Badar Al-Diin oo Lagu Arkay Magaalada Xalab.

25
0

Ahmed Badar Al-Diin Xassan ama sida ay dadka Suuriya u yaqaanaan “Muftiga Foosto” ayaa mar kale kasoo muuqday magaalada Xalab, taasi oo caro xooggan iyo muran ka dhex dhalisay dadka reer Suuriya.

Dadka isticmaala baraha bulshada ee dalka Suuriya ayaa faafiyay sawiro iyo muuqaalo muujinaya Xassan oo ku sugan magaalada Xalab, kaas oo ahaa Muftigii hore ee rajiimkii talada laga tuuray Bishaar Al-Asad, taageero weyna u ahaa, arintaas ayaana noqotay hadal haynta ugu way dadka Suuriyaanka ah.

Dad badan oo reer Suuriya ah ayaa ka falceliyay arintan, ayagoo sheegay in aysan ahayn wax la aqbali karo, in ninkii muftiga u ahaa Bishaar Al-Asad uu dalka dib ugusoo laabto, kaas oo fatwoon jiray in dadka marasta ah lagu laayo bambaanooyin wax gumaada ee Kiimikada ah.

Ninkan ayaa kamid ahaa taageerayaashii ugu waynaa ee nidaamkii mujrimka ahaa ee Bishaar Al-Asad, kaas oo soo saari jiray fatwooyin uu ku xalaalaynayo dhiiga dadka muslimiinta ah ee reer Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here