Ciidamada Yahuudda oo Howlgalo Xoog ku Gal ah ka Sameeyay Dhulka Daanta Galbeed.

18
0

Ciidamada Yahuudda ayaa weeraro isdaba joog ah ka fuliyay Daanta Galbeed, iyaga oo galay guryo badan xabsigana u taxaabay dad Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan ilmo yar yar, waxana ay sidoo kale weerareen guriga Sheekh Akram Sabri ee ku yaalla magaalada Qudus.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay warbaahinta in subaxnimadii hore ee Arbacada ay  ciidamada gumaysigu xoog ku galeen deegaanka Dhanaba ee ku yaalla magaalada Tulkarm, halkaaas oo la soo dhoobay gadiid dagaal oo ay wateen ciidamada Yahuudda.

Ciidamada Yahuudda ayaa sidoo kale xoog ku galay magaalooyinka Aqraba iyo Hawara ee koonfurta Nablus iyo tuulada Kafr Qallil oo isla deegaanka ah, sida ay sheegtay warbaahinta Falastiinta.

Dhanka magaalada Beyt Ummar oo waqooyi kaga beegan Khaliil, ayay ciidamada Yahuuddu ka sameeyeen xoog ku gallo ay ku xireen dad Falastiiniyiin ah, kuwaas oo uu kamid ahaa wiil yar oo lagu magacaabo Xudeyfah Xuseen Baxar oo 14 jir ah.

Waxaa wali halkooda kasii socda weerarada ay ciidamada Yahuuddu ku hayaan dadka Falastiiniyiinta ah ee ku sugan Dhulka Daanta galbeed, ayagoo halkaas ka gaystay falal argagax leh oo ay ku laayeen tobanaan Falastiiniyiin ah isbuucyadii lasoo dhaafay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here