Sawirro lagu qaaday dayax-gacmeed ayaa shaaca ka qaaday in Yahuuddu ay 7 saldhig oo militari ka sameysatay dhulka Suuriya ee ay qabsatay kaddib markii la riday nidaamkii Bashaar Al-Asad oo u baxsaday dalka Ruushka.
Wargeys ay Yahuuddu leedahay ayaa daabacay warbixin ay ku jiraan sawirro dayax-gacmeed oo ay soo saartay shirkadda Maraykanka ee Planet Labs BBC, taas oo muujinaysa in ciidammada Yahuuddu ay sii wadaan in ay saldhigyo milatari ka dhistaan goobihii ay ka qabsadeen gudaha Suuriya.
Sida warbixinta lagu sheegay, ciidamada Yahuudda ayaa ugu yaraan 7 saldhig oo militari ka sameystay deegaannada ay ku sugan yihiin, iyo halka ugu sarreysa ee buurta Hermon.
Wargaysku waxa uu tilmaamay in ciidamada Yahuuddu ay billaabeen bishii December 2024-kii inay ka shaqeeyaan sidii ay muddo dheer ugu sii sugnaan lahaayeen goobaha ay ka qabsadeen Suuriya.
Yahuudda ay balaaraisay qabsashadeeda ku aadan Buuraha Golan, waxayna la wareegtay aagga difaaca ka caagan ee Suuriya iyo Buurta Hermon, Yahuudda ka faa’iidaysanaysa afgembigii dawladdii Bashaar December 8, 2024-ka, iyadoo ballaarisay weerarrada ay ku hayso kaabayaasha iyo goobaha millatariga ee Suuriya.