Dawladda Suudan ayaa Cambaraysay Shir ka Dhacay Dalka Kenya oo ay Kasoo Qayb Galeen Xooggaga RSF.

20
0

Dowladda Suudan ayaa cambaareysay, shir ka dhacay magalada Nairoobi ee caasimada dalka Kenya, kaas oo ay kasoo qayb galeen xubmo ka tirsan maleeshiyaadka Dacmu Sariic, iyadoo ay ujeeddadu ahayd in la dhiso dowlad barbar socota xukumada hada talada dalkaas haysa.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Suudan ayaa loogasoo horjeestay shirka ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaas oo ladoonayo in lagu kala qaybiyo dalka Suudan.

Wakaaladda wararka ee France Press oo soo xiganaysa ilo wareedyo ka tirsan ciidamada RSF ayaa sheegtay, in maleeshiyaadkan ay isku diyaarinayaan in ay dowlad ugaga dhawaaqaan deegaanada ay ka taliyaan, taas oo lagusoo dhisay magaalada Nairobi.

Xooggaga RSF oo ah maleeshiyaad hubaysan oo kasoo horjeeda xukumada dalka Suudan ayaa haatan doonaya inay ku dhawaaqan inay yihiin dawlad madaxbanaan oo ka go’ada dalka intiisa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here