DEG DEG: Xarakada Alshabaab Oo Warsaxafadeed Ka Soo Saartay Dagaaladii Ka Dhacay Shabeelada Dhexe.

48
0

Dagaaladii Saaka ka dhacay gobolka shabeelada dhexe ayaa si xun loogu jabiyay ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya.

Sawiro ay faafisay warbaahinta ku hadasha afka xarakada Alshabaab ayaa lagu arki karaa jabka xooggan ee soo gaaraya ciidamada dowlada.

Warsaxafadeed ka soo baxay xarakada mujahidiinta Alshabaab ayaa lagu yiri:

“21 Shacbaan 1446H (20 Febraayo 2025) waxay ciidamada Mujaahidiinta oo Allaah kaashanaya weeraro cagmarin ah kula jarmaadeen saldhigyada maleeshiyaadka riddada ay ku lahaayeen deegaannada kala ah, Ceel-Cali-Axmed, Cali-Fooldheere, Daarunicma, iyo deegaanka Al Kowthar oo
dhammaantood ka wada tirsan Wilaayada Islaamiga ee Shabeellada Dhexe.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa Allaah fadligiis dhawr jiho weeraro qorsheysan uga qaaday saldhigyadii ay ku sugnaayeen cadawga Allaah. Dagaallo saf ballaaran ah kadib, Mujaahidiintu waxay – Allaah fadligiisa – si buuxda gacanta ugu dhigeen dhamaan saldhigyadii murtadiinta ee la weeraray, waxaana halkaas cadawga lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Waxaa sidoo kale maleeshiyaadka murtadiinta laga qabtay maxaabiis dagaal kuwaasoo ay hadda gacanta ku hayaan Mujaahidiinta.

Allaah fadligiis, waxay Mujaahidiintu sidoo kale gacanta ku dhigeen dhamaan agabkii iyo saanaddii ciidan ee taallay saldhigyada murtadiinta ee la weeraray oo ay ku jiraan gawaarida loo yaqaano
tikinikada ee qoryuhu ku rakibanyihiin.

Wixi faafaahin ah ee ku saabsan weeraradan barakeysan dib ayaan kasoo gudbin doono insha-Allaah”.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here