Dagmada Aadam Yabaal ayaa ah dagmo istiraatiji ah oo dhacda gobalka Shabeellada Dhexe. Waxaana degmo ahaan loo magacaabay sanadkii 1962-dii. Dagmadaan ayaa sanooyin badan ku naaloonaysay ku dhaqan Shareecada Islaamka, balse ciidamada dawladda Fadaraalka oo ay kor ka tageerayaan diyaaradaha Mareykanka iyo kuwa Turkiga ayaa si luqun qabad ah loo geeyay magaaladaas, waxa ayna ku sugan yihiin inka badan Labo sano.
Dadka ku nool dagmada ayaa wajahayo dhibaatooyin badan oo ay ku hayaan ciidamadaas, kuwaas oo dhac iyo bililaqo u gaysanayo hantidooda.
Dagmada ayaa waxa ay ciidamada Dawladda Fadaraalka ka difaaci jireen deegaano ay kamid yihiin Daaru Nicma iyo Al-Kawthar, oo ay si buuxda gacanta ugu dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Mu’assasada warbaahineed ee Al-Kataa’ib ayaa dhawaan faafisay sawirro laga soo qaaday saddax kamida Afartii deegaan ee maanta la weeraray, dagaalada la faafiyay sawirradooda ayaana ka kala dhacay deegaanada kala ah: Al-Kawthar, Daaru Nicma iyo Ceel Cali Axmed, waxaana lagu daawan karaa sawirada meydadka ciidamada Dowladda Federaalka iyo gaadiidka laga soo qaniimaystay.
Dagaaladii maanta ka dhacay gobalka Shabeellaha Dhexe oo ahaa kuwa aad u culas ayaa waxaa jahawareer iyo qoob gariir laga dareemaya fariimsimaha ay ciidamada dawladda fadaraalka ku leeyihiin dagmada Aadam Yabal oo dhacda Shabeellada Dhexe iyo Muqokori oo ku taalla gobalka Hiraan.
Ciidamada dawladda Fadaraalka ee ku sugan dagmada Aadam Yabaal ayaana ah kuwa keebla yuurar ah oo sugaya mar un inay ka dul shanqarto rasaasta malatariga Al-Shabaab, maadaama ay ciidamadii difaaca u ahaa magaalada oo ku sugnaa deegaanada aan kor ku soo sheegnay ay u qayb sameen kuwa ay feenatay rasaasta mujaahidiinta, kuwa gacanta lagu dhigay iyo wax firxad ku galay magaalada Aadam Yabaal.
Warbaahinnda dawladda Fadaraalka ayaanan waxa war ah ka haynin waxa ka socda saaxada dagaalka, iyagoo dhamaantood isha ku hayo warbaahinada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waxaa suuro gal ah in dagmada Aadam Yabaal ay ku dhacdo gacanta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, maadaama goobihii laga difaacayay ay la wareegeen malatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.