Deg Deg: Xoogagga Al Shabaab La Wareegay Deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Sh/dhexe.

32
0

Goob joogayaal ku sugan gobolka shabeelada dhexe ayaa sheegaya in jihaadiyiinta Alshabaab dhowr jiho ka soo galeen deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelada dhexe.

Ciidamada Alshabaab markii ay ka wareegeen magaalada waxay goob fagaare ah kula hadleen dadka deegaanka oo ay usheegeen in ay is dejiyaan.

Xarakada Alshabaab ayaa qaaday guluf ciidan oo aad u xooggan oo soo bilowday saaka aroortu hore waana deegaankii 5aad oo saacado kooban gudahood ay Alshabaab ka qabsadeen gobolka Sh/dhexe.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here