Faahfaahinta Khasaaraha Ka Dhashey Dagaalladii Cagmarinta ee Shabeellaha Dhexe oo La Ogaaday.

69
0

Xafiiska Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa soo saaray warsaxaafadeed, kaasoo lagu faafaahiyay dagaalladii maanta ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, dagaallada safka ballaaran ah in lagu dilay ugu yaraan 93 askari oo ay saraakiil kamid yihiin, halka lagu dhaawacay 111 kale, iyadoo gacanta lagu dhigay tiro maxaabiis ah.

Marka laga yimaado sahayda iyo saanadaha hubka ah ee lagu soo furtay dagaallada, waxaa bayaanka lagu sheegay in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay dagaallada kusoo furteen ugu yaraan 7 gaadiid oo ay kamid yihiin kuwa booyadaha.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here