Faransiiska oo Dib u Dhigay Go’aanka Lagu Sii Daaynayo Maxbuus u Dhashay Dalka Lubnaan oo Xirnaa in Kabadan 40 Sano.

20
0

Maxkamad ku taalla magaalada Paris ayaa maanta dib u dhigtay go’aankeeda ku aadan in la sii daayo nin u dhashay dalka Lubnaan oo lagu magacaabo Ibrahim Abdallah, kaas oo xirnaa mudo dhan 41 sano.

Mid kamida qareenada Abdullah ayaa sheegay, in maxkamaddu ay dib u dhigtay go’aanka ninkan, ilaa uu ka keenayo cadaymo muujinaya magdhowga dambiyada loo haysto, taas oo uu illaa hadda diiday inuu sameeyo.

Abdullah ayaa la xiray 1984-kii isagoo lagu eedeeyay inuu haysto dukumentiyo been abuur ah, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in 1987-kii, kaddib markii lagu helay inuu ka dambeeyay dilkii Israel Yaakov Barsimantov iyo dublamaasi Mareykan ah oo lagu magacaabo Charles Robert Day oo lagu dilay Paris 1982-dii, marka lagu daro isku daygii dilka Qunsulka Mareykanka ee Robert Aum ee Strasbourg.

Magaalada Toulouse, oo qiyaastii 100 kiiloomitir u jirta xabsiga Lanmezan ee koonfurta dalkaas, halkaas oo uu ku xiran yahay Abdallah,  ayaa waxaa iskugusoo baxay illaa 300 oo qof, kuwaas oo dalbanaya in la sii daayo ninkan, oo ka mid ah maxaabiista mudada dheer xabsiyada Faransiiska ku jirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here