Muxuu Ka Dhiganyahay Gulufka Cusub ee Jihaadiyiintu Wadaan Maxaase xilligan Kusoo Beegay? [Warbixin]

48
0

Ku dhowaad sedax sanadood kadib in jihaadiyiintu iyagoo murqa kuusan dib ugu rogaal celinayaa deegaanno ay isaga baxeen ama laga qabsaday ayaa ka dhigay in dhammaan dacaayadihii ay madaxda dowladda soomaaliya ka sheegan jirtay warbaahinta ay aheyd been.

in jamaaco jihaadi ah ay dib uqabsato dhul horay guluf looga qabsaday wax ugub ah ma ahan balse waxaa wax cusub ah in si yaab leh usoo noolaadeen rag la sheegay in 90% labaabi;iyay weliba madaxdii dowladda ay soomaalida iyo caalamka ka gadeen in jihaadiyiinta laga takhalusay, midka ugu roon madaxda dowladda ayaa horay usheegay in 70% lawiiqay.

Tani maxay ka dhigantahay?

Saaka aroortii hore ayay xoogaga jihaadiga ah weeraro isku mar ah ku qaadeen saldhigyo sedax gaaraya oo dhowr aag ah kuwaas oo kala ah Daaru Nicmo,Alkowsar iyo Ceel Cali Axmed, deegaannadan waxaa ku sugnaa kumanaan askari iyo maleeshiyaad ashaamud ah kuwaas oo qarash badan ay ku bixisay DF-ka.

Sidoo kale jihaadiyiintu waxay weerareen oo ay qabsadeen deegaanka Cali Fooldheere halkaas waxay ka galeen dagaallo aad uculus waxayna ku qabsadeen gaadiid iyo maxaabiis.

in weeraro sidaas udhiirran hal waqti iyo dhowr goobood ku qaadaan waxay muujinaysaa in raggan ay murqo kuusanyihiin ayna leeyihiin han iyo hiigsi sugan.

Tani ayaa uga dhigan cadowga AS ee sedaxdii sano wiiqidooda wax walba ku bixinayay jab iyo naaso beel.

Weeraradan kedis miyay ahaayeen?

Qof walba oo wax ka yaqaan arrimaha ciidamada iyo dagaallada wuxuu qiyaasi karaa in weerarada sidaan u waaweyn kana dhacaya dhul baaxad leh aysan aheyn kuwa qarsoon yacnii cadowgu waa ka waryay in lagusoo maqanyahay, sababtoo ah farqi weyn ayaa udhaxeeya weeraro kedis ah iyo olole dagaaleed lamid ah midkii maanta billaawday.

Maxay AS ku doorteen in dib usoo rogaal celintooda ka billaabaan Sh/dhexe?

aragti ahaan waxaan qabaa in labada shabeelle ay muhiim u yihiin cidda doonaysa qabsashada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ama ugu yaraan cidda saameynta ku yeelanaysa awoodda dalka sidaas daraadeed shabeelaha dhexe wuxuu fure u yahay guul walba dhinac siyaasadeed ka doonayo dalka.

Labada Shabeelle iyo Hiiraan ayaa leh muhiimad dhan walba ah.

Maalmaha iyo isbuucyada soo socda maxaa lafilan karaa?

Alle ayaa og waxa soo socda, haddii aan sii odoroso waxaa dhici doona loollanno waaweyn iyo is muquunin dhanka ay ahaataba.

Dowladda Xasan Sheekh dib usoo rogaal celinta jihaadiyiinta abshir uma ahan oo waxay ku mashquulsatahay sidii ay uqabsan laheyn doorashooyin ku sheegyo ku shubasho ah iyo muquunin mucaarad.

Sidoo kale oday Xasan tani waxay ku tahay oof wareen sababtoo ah jihooyin farabadan oo uu lacago uga cunay AS ayaan wiiqay ayaa kusoo jeedan doona.

WQ: Eng Kurtun Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here