Diyaaradaha Yahuudda oo Duqaymo la Beegsaday Xad Beenaadka u Dhaxeeya Dalalka Suuriya iyo Lubnaan.

18
0

Diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ayaa duqaymo culus ka gaystay wado isku xirta dalalka Suuriya iyo Lubnaan, halkaas oo ay sheegeen in ay ku bartilmaameedsadeen hub loo safrinayay dalka Lubanaa.

Ilo goob-joogayaal ah ayaa soo sheegay, in duqeymo dhanka cirka ah ay Yahuudda la beegsatay marin ku yaalla Wadi Khaled oo dhaca xad beenaadka kala qaybiya Lubnaan iyo Suuriya.

Wargeyska Israel Hayom oo soo xiganaya qaar kamida ciidamada Yahuudda ayaa xaqiijiyay weerarka ay ku qaadeen deegaanka Hims ee dalka Suuriya. Waxayna sheegeen in ay beegsadeen waddooyinka ay Xisbullaah u adeegsato in ay hubka ugu gudbisato Lubnaan.

Dhankeeda, wakaalladda wararka Lubnaan ayaa sheegtay, in diyaaradaha dagaalka ee Yahuuddu ay joog hoose ku dulayaan hawada magaalada Hermel iyo tuulooyinka waqooyiga Bekaa ee bariga Lubnaan.

Yahuudda ayaa dhawaan bartilmaameedsatay meelo u dhow marinnada xudduudaha ee isku xira Suuriya iyo Lubnaan, ayagoo sheegtay in ay uga golleeyihiin in ay ka hortagaan saanada ciidan ee Xisbullaah loogasoo wareejinayo Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here