Magacyada Qaar Kamid Ah Sarakiishii Dowlada Federaalka Looga Dilay iyo Kuwii Looga Dhaawacay Dagaaladii Sh/dhexe oo La Ogaaday.

40
0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helaaya dagaaladii lagu jabiyay ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya ee ka dhacay gobolka Shabeelada Dhexe.

Xarakada Alshabaab oo guulo waa weyn ka sheegatay dagaaladaas ayaa sheegtay in ay dhul aad u ballaaran ay ka xoreeysay ciidamada dowlada federaalka.

Warbaahinta madaxa banaan ayaa heshay qaar kamid ah magacyada Saraakiishii lagu dilay dagaaladii shaley ka dhacay Shabeellada Dhexe waxaa kamid ah:

1-Gacma-dheere-Taliye Urur.

2- Cirro-Abaanduulle Urur.

3- C/Raxmaan Dheere-Taliye Horin.

Sidoo kale waxaa la ogaaday mgacyada qaar kamid ah Saraakiishii dowlada federaalka looga dhaawacay dagaaladii shaley ka dhacay Shabeellada Dhexe waxaa kamid ah:

1- Xasan Dhicisow-Taliyaha Booliska Hirshabeelle.

2- Jeylaani Abaanduule Urur.

3- Axmed Dheere-Taliye Urur.

Dagaaladii shalay ka dhacay Shabeelada dhexe ayaa muujiyay awooda xarakada Alshabaab iyo tabardaradda ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here