Abu Cubeyda, oo ah ayaa ku dhawaaqay magacyada 6-da maxbuus ee Yahuudda ah ee la sii deyn doono maanta, kuwaas oo qayb ka ah dufcaddii Toddobaad ee heshiiska maxaabiis is-dhaafsiga, waxaana xabsiyada Yahuudda lagasoo dayn doonaa in kabadan 600 oo qof oo Falastiiniyiin ah.
Abu Cubayda ayaa sheegay magacyada maxaabiista, kuwaas oo kala ahaa: Elia Maimon Yitzhak Cohen, Omer Shem Tov, Omer Finker, Tal Shoham, Avera Mengistu, iyo Hisham al-Sayed.
Dadka Falastiiniyiinta ah ee xabsiyada Yahuudda lagasii dayn doono waxaa kamida 50 Falastiiniyiin ah oo ku xukunaa xabsi daa’in, ayadoo ay ku jiraan illaa 60 kale oo ayagan lagu xukumay tobanaan sano.
Afhayeenka ayaa intaas ku daray in berrito la sii dayn doono 47 qof oo Falastiiniyiin ah oo lagu sii daayay heshiiskii Wafa al-Ahrar oo ay dib u xireen ciidamada Yahuudda, halka 445 qof oo laga soo qabtay marinka Qaza oo la xiray wixii ka dambeeyay 7 October 2023-kii.