42 Kun oo ka Barakacay Dagaalada ka Socda Bariga Kongo una Qaxay Dalka Burundi.(Warbixin)

28
0

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in rabshadaha ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ay ku qasbeen illaa 42 Kun oo qof – oo u badan haween iyo carruur – inay magangalyo u raadsadaan Burundi labo toddobaad gudahood. Qulqulka qaxootiga Kongo ayaa ah mid aan horay loo arag muddo 25 sano ah.

Waxay ku soo beegantay iyadoo ay horumarro ka samaynayaan bariga Kongo dhaqdhaqaaqyada dawladda ka soo horjeeda ee M-23 iyo xulafadooda Rwanda, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.

“Qorshaha la filayay waxa uu ahaa in la qaabilo ugu badnaan 58 kun oo qof muddo saddex bilood ah, laakiin labadii toddobaad ee ugu horreeyay oo keliya waxa la qaabilay 42 kun oo qof oo magangalyo doon ah” ayay tiri Brigitte Mukanga Eno, oo ah wakiilka UNHCR ee Burundi.

Intaa waxaa dheer, illaa 15 kun oo qof oo u qaxay dalalka deriska ah tan iyo bishii Jannaayo, oo ay ku jiraan 13 Kun oo u qaxay Uganda, sida lagu sheegay bayaanka hay’adda Qaramada Midoobay.

Todobaadyadii la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqa M-23 oo ay taageerayaan ciidamada Rwanda ayaa la wareegay gacan ku heynta Goma iyo Bukavu oo ah caasimadaha gobalada Waqooyi iyo Koonfurta Kivu oo xuduud la leh Rwanda iyo Burundi.

Intaa ka hor waxa ay gacanta ku haysay dhul baaxad leh oo ka tirsan labada gobol, kuwaas oo qani ku ah kheyraadka dabiiciga ah, gaar ahaan macdanta.

Rwanda ayaa diiday eedaymaha Kongo, Qaramada Midoobay iyo quwadaha reer galbeedka ee ah inay M-23 ku taageerto hub iyo ciidan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here