Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu ayaa maanta ku dhawaaqay, in dib loo dhigay sii deynta maxaabiis falastiiniyiin ah oo la qorsheeyay in lagu sii daayo heshiis ay la galeen Xamaas.
Xafiiska Netanyahu ayaa yiri “Waxaan dib u dhigi doonaa sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta illaa aan ka xaqiijineyno in sii daynta soo socota ee la haystayaasha Yahuudda ay dhici doonto iyada oo aan la bahdileynin,”. Waa sida ay warka u dhigeene.
Xafiisku wuxuu tilmaamay, in sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta, oo loo qorsheeyay Sabtidii shalay dib loo dhigay illaa laga soo wareejinayo qaybta xigta ee la haystayaasha Yahuudda.
Warbaahinta Falastiin ayaa sheegtay, in ciidamada ammaanka ee Yahuudda ay billaabeen inay isaga baxaan agagaarka xabsiga Ofer, ee galbeedka Ramallah, kaddib markii Sahaayinada ay go’aansatay inay dib u dhigto sii-deynta maxaabiista Falastiiniyiinta oo qayb ka ah heshiiska is-dhaafsiga maxaabiista.
Xamaas ayaa Sabtidii shalay ahayd sii daysay lix qof oo kamida maxaabiista Yahuudda, kuwaas oo ahaa qaybtii ugu dambaysay ee lagu wareejiyo wejigii koowaad ee xabbad-joojin jilicsan oo billowday bishii hore. Yahuudda ayaa la filayay inay dhankeeda soo dayso, in ka badan 600 oo maxaabiis falastiiniyiin ah.