Ingriiska oo Sheegay Inuu Cunaqabatayntii Ugu Adkayd Kusoo Rogi doono Ruushka.

24
0

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain David Lammy ayaa maanta ku dhawaaqay in Boqortooyada Ingiriisku ay soo rogi doonto cunaqabatayn cusub oo ka dhan ah Ruushka, taas oo lagu xusayo sannad-guuradii saddexaad ee dagaalka Ukraine.

Wasiirka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay, in la joogo waqtigii la adkeyn lahaa qulqulka ciidamada Ruushka ee uu hogaamiyo Vladimir Putin. Waxa uu intaa ku daray in uu ku dhawaaqi doono maalinta isniinta ah, cunaqabatayntii ugu waynayd oo Ruushka la saaro  tan iyo markii uu bilawday dagaalka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo boqolaal qof ay isugu soo baxeen Sabtidii magaalada London, si ay uga qaybqaataan banana bax ay ku taageerayaan Ukraine, ka hor sannadguuradii saddexaad ee ka soo wareegtay markii uu dagaalku qarxay.

Cunaqabatayntan ayaa sidoo kale kusoo aadaysa ayadoo xiisada u dhaxaysa Kiev iyo Washington ay cirka isku sii shareerayso, taas oo ay sabab u ahayd soo jeedintii uu Maraykanku ku dalbaday inuu ku boobo macdanta dalkaas.

Dagaalka saddexda sano socday ayaa qarxay February 24, 2022. Britain ayaa tan iyo xilligaas si weyn u taageeraysay Ukraine, waxayna cunaqabatayn ku soo rogtay Moscow, iyadoo taageero maaliyadeed iyo mid milateriba siinaysay Kyiv, waxayna xuduudaheeda u furtay in ka badan 250 kun oo Qaxooti Ukreniyaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here