Maxay Kooxda RSF Ugubeysaa Tuulooyinka ku Yaalla Waqooyiga Gobolka Daar-Fuur.? [Warbixin]

32
0

Ilo maxalli ah ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Taageerada Degdegga ah ay weeraro qorsheysan ka fuliyeen todobaadkii lasoo dhaafay magaalada Al-Fasher oo ah xarunta gobolka Waqooyiga Darfur ee galbeedka Suudaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in ay gubeen tuulooyin dhowr ah, ayna bililiqaysteen hantidii ay lahaayeen dadka shacabka ah, iyadoo ay intaasi dheer tahay inay ku  xadgudbeen tobaneeyo qof oo rayid ah oo ku sugnaa tuulooyinka Shaqra iyo Qulu oo dhanka galbeed kaga beegan Al-Fasher. Weerarada ayaa waxaa ka mid ahaa toogasho aan loo meel dayin iyo burbur loo geystay kaabayaasha dhaqaalaha, iyadoo boqolaal rayid ah ay u barakaceen goobo ku dhaw dhaw deegaanadaasi si ay ammaan u helaan.

Sida laga soo xigtay dad goobjoogayaal ah, weerarradani waxay ku yimaadaan qaab-dhismeedka istaraatiijiyadda ay raacaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah si ay u gubaan tuulooyinka. Warbixinada maxaliga ah ee dalka Suudan, ayaa sheegaya, in howlgallada noocaan oo kale ah oo ay fuliyeen maleeshiyaad RSF ay ku gubeen bishii December ee lasoo dhaafay illaa 11 tuulo oo hoostaga deegaanka Abu Zariqa ee koonfurta magaalada Al-Faasher.

Bartamihii bishii Oktoobar, 45 tuulo oo waqooyi-galbeed ka xiga Al-Fasher ayaa la gubay, oo ay ku jiraan tuulooyinka Bariidak, Anka, Amray, Donki Bashim, Half, Bir Mazza, Baqar, Matti, Abu Ashwa, iyo Jayo Jia.

Suleymaan Aadam oo ka mid ah madaxda maamulka rayidka ah ee tuulada Shaqra ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta ku sheegay, in maleeshiyaad ka tirsan ciidamada Dacmu Sariic ay weerar ku qaadeen tuuladaasi todobaadkii hore, isla markaana ay gubeen xaafadda Marra oo dhanka galbeed ka xigta tuuladaasi, marka laga soo tago guryo badan oo ay ku gubeen xaafadaha Muusa iyo Abuu Bakar.

Mas’uulkan u hadlay deegaanka ayaa intaas ku daray, in dadka deegaanka ay ku noolaayeen cabsi intii uu weerarku socday, iyadoo qof walba uu waayay wax walba oo uu lahaa kadib markii la gubay guryahoodii. “Waxaan u baahanahay ilaalin caalami ah oo degdeg ah, xaaladdu aad ayay khatar u tahay,” ayuu raaciyay.

Dhankiisa, Abkar Haroun, oo ka soo jeeda deegaanka Abu Zariqa, ayaa sheegay, in canaasiir ka tirsan Ciidamada Taageerada Degdegga ah ay dab qabadsiiyeen 11 tuulo intii uu socday weerarkii ay deegaankaas ku qaadeen bishii October ee la soo dhaafay. Tuulooyinka Adam Nil, Tamd Al-Dahsh, Yacquub, Kitanga Hadahid, Al-Daym Salk, Hillat Musa Asam, Al-Rakhio, Hillat Bakar, iyo Kabka ayaa dhamaantood la gubay.

Warbaahinta oo la hadashay 3 goob joogayaal oo ka mid ah dadka ku nool tuulooyinka Abu Zariqa, ayaa xaqiijiyay, in bililiqo iyo gubid ula kac ah ay u geysteen maleeshiya ka tirsan Ciidamada Dacmu Sariic, waxayna goob joogayaashu ka baqayeen in dhacdadan ay ku fido tuulooyinka kale ee deriska la ah.

Asaad Al-Aqqad oo ah wariye u dhashay deegaanka oo gabaad ka dhigtay tuulada Shaqra si uu uga fogaado duqeymaha ay geysanayaan ciidamada Taagerada degdega ah ee lagu bartilmaameedsanayo magaalada Al-Fasher, ayaa sheegay, in canaasiir ka tirsan ciidamada Taageerada Degdegga ah ay dhac u geysteen koox wadatay baabuur iyo dukaamo ay leeyihiin dadka rayidka ah kadib markii ay galeen tuuladaasi.

Waxa uu sharaxay, in dhacdooyinkani ay ku yimaadaan qaab dhismeedka siyaasadda nidaamsan ee loogu talagalay in si qasab ah lagu barakiciyo dadka shacabka ah. Waxa uu sheegay, in dadka deegaanka ay rajaynayeen in deegaanka Shaqra ay ka helaan gabaad nabdoon, balse ay maanta marayaan waqtiyo adag kadib markii tuulada soo galeen maleeshiyaadka RSF, iyadoo qoysas badan ay waayeen nolol maalmeedkoodii, kadib markii la  gubay guryahoodii dhacna loo geystay hantidoodi, taasi oo baasiinka kusii daartay xaaladda qalifsan ee ka jirta deegaanadaas ay dagaaladu ragaadiyeen.

Maxamed Zakariya Faraj Alle oo kamida dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay, in weeraradii ay Ciidamada Taageerada degdega ah ku qaadeen tuulooyinka ku hareeraysan Al-Fasher ay xanbaarsanaayeen ujeedooyin cad oo cunsurinimo ah.

Wuxuu u sharaxay, in maleeshiyaadkan aysan la hayn mashruuc siyaasadeed, balse ay wax ku dhistaan ajandaha qabayaaladda, kaas oo ka dhex muuqda weerarradaay geysanayaan. Waa siduu hadalka u dhigee.

Ciidamada Taageerada Degdegga ah ayaa hareereeyay magaalada Al-Fasher kadib markii dhowr dhaq-dhaqaaqyo oo hubaysan, oo loo yaqaan ‘Joint Forces’, ay la safteen ciidanka Suudaan bishii Abriil ee la soo dhaafay, ujeedaduna ahayd in dadka rayidka ah laga ilaaliyo weerarrada suurtagalka ah ee Ciidamada Taageerada Degdegga ah.

Faraj Alle waxa uu tilmaamay in beegsiga ay Ciidamada RSF ku beegsanayaan tuulooyinka ku xeeran Al-Fasher ay uga golleeyihiin in ay qaab qabiil u muujiyaan dagaalka hadda socda, iyadoo ay sii dheer tahay in dadka rayidka ah ay gaajaysiiyaan, halka magaalada Al-Fasheer ay ka gooyeen wadooyinkii uu uga imaan jiray  saadka.

Taas bedelkeeda, Xoghayaha Arrimaha Siyaasadda ee Dhaqdhaqaaqa dhaliyarada, Moatasem Abdullah, ayaa sheegay in Ciidamada Taageerada Degdegga ah ay raacayaan siyaasad qalafsan oo isir sifayn ah, taas oo ay ku beegsanayaan dadka shacabka ah ee ku nool tuulooyinka ku yaalla dhulka ay haystaan.

Magaalada AlFasher ayaa noqotay bartilmaameedka ugu weyn ee ciidamadan kaddib markii laga qabsaday deegaano badan oo ka tirsan dalka Suudan. Abdullah Waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in cid kasta ay garab istaagto Al-Fasher, si aysan ugu dhicin gacanta maleeshiyadkan, lagana soo saaro go’aanoka soo baxa waxa loogu yeero Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hortagayo weerarada Ciidamada Taageerada degdega ah.

Dhanka kale, Baha’al-diin Bishaara oo ah gudoomiyaha ururka dhalinyarada ee magaaladaas, ayaa sheegay in dhalinyarada ururkiisu ay ku howlan yihiin sidii ay bulshada uga wacyi galin lahaayeen khatarta falalkan guracan ee ay ku dhaqaaqayaan ciidamada RSF.

Sidoo kale, Yacquub Al-Damoki, Lataliyihii hore ee dhinaca Warbaahinta ee Taliyaha Ciidanka Taageerada Degdegga ah, Maxamed Xamdaan Dagalo isla markaana ka mid ah dadka ka soo horjeeda maanta ayaa sheegay, in tuulooyinka la gubayo aysan ahayn aargoosi oo kaliya, balse ay qeyb ka tahay xeelado ku talagal ah oo shacabka lagu barakicinayo.

Al-Damouki ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta ku sheegay in inta badan tuulooyinka la bartilmaameedsado ay ku yaalaan deegaano ay degan yihiin qabiilka Zaghawa ee aan Carabta aheyn, taas oo sii kordhineysa kala fogaanshaha qabaailka walaalaha ah ee daga dhulkaas, weeraradan ayaa khatar ku ah ammaanka iyo xasiloonida gobolka.

Warbixinno ay dadka u dhaqdhaqaaqa deegaanka ku baahiyeen baraha bulshada ayaa diiwaangeliyay saamaynta qaar ka mid ah weerarrada ay fulinayaan Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee ku sugan agagaarka magaalada Al-Fasher. Dhaqdhaqaaqayaasha deegaanka ayaa ku eedeeyay ciidamadan in ay fuliyeen xukuno dil ah oo ay ku kala soocayaan qabaailka dhulkaas daga.

Al-Damouki waxa uu sidoo kale sheegay in Xubnaha Taageerada Degdegga ah ay iyagu xad-gudubka kula kacayaan rayidka ku baahin jireen Baraha Bulshada, isagoo sheegay in weeraradaasi ay noqdeen kuwo ay cid walba heli karto, maadaama lagu faafiyay goobo kala duwan.

Kumanaan qof oo ka qaxay tuulooyinka dhanka galbeed kaga beegan magaalada Al-Fasher oo la kulmay weeraro isdaba joog ah maalmihii lasoo dhaafay, ayaa wajahaya xaalado bini’aadantinimo oo aad u adag, iyadoo qaar badan oo iyaga ka mid ah aysan haysan meelo ay ku hoydaan, waxaana lagu khasbaa inay seexdaan meelo bannaan ah, taas oo sii kordhinaysa dhibaatada.

Maqnaanshaha dhammaan baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha, oo ay ku jiraan cuntada, biyaha iyo daryeelka caafimaadka, ayaa uga sii daraysa xaaladaha bini’aadantinimo ee ka jirta gobalka, dhacdooyinkan ayaa dhamaan noqonaya kuwo u baahan in si degdeg ah looga jawaabo, si loo joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah dadka shacabka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here