Rabshada Xooggan oo ay Dad ku Dhinteen oo ka Dhacay Xadka ay Wadaagaan Dalalka Itoobiye iyo Kenya.

26
0

Wararka ka imaanaya xuduudka ay wadaagaan dalalka Itoobiya iyo Kenya ayaa tibaaxaya, in webiga Omo oo mara xadka labada dal uu ka dhacay iska horimaad dhiig badan uu ku daatay oo dhexmaray kalluumaysato  iyo Itoobiyaan, waxaana ku dhintay tiro dad ah, iyadoo kuwo kalana la la’yahay.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo rasmi ah in iska hor imaad u dhaxeeyay kalluumaysato deegaanka ah oo ka dhacay xuduuda u dhaxaysa Itoobiya iyo Kenya uu sababay dhimashada 13 qof iyo in ka badan 20 qof oo kale oo la la’yahay.

Sida ay sheegtay wakaalada dadka dhintay ayaa ka soo jeeda dhinaca Itoobiya, halka dadka la la’yahayna ay dhamaantood ka soo jeedaan dalka Kenya, waxaana ay intaa ku dartay, in la xaday 15 doomood oo ay lahaayeen kalluumaysato Kenyan ah.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya ayaa sheegay, in dowladdiisu ay ciidamo xoojin ah u dirtay goobihii ay wax ka dhaceen, si loo xakameeyo xiisadaha, isla markaana loo xakameeyo xaaladda amni, isagoo dhanka kale carabka ku adkeeyay inuu xiriir la sameeyay mas’uuliyiinta Itoobiya si loo gaaro nabad-gelyo iyo nabad ka dhalata deegaannada dhaca xuduudka.

Sidoo kale, Booliiska magaalada Tarukana ee dalka Kenya ayaa sheegay, in 6 kaluumaysato ah oo u dhashay dalka Itoobiya la soo badbaadiyay oo dib loogu celiyay dalkooda.

Wabiga Omo ayaa waxa uu ku yaalla koonfurta dalka Ethiopia waxana uu ku shubaa harada Turkana ee ku taalla xuduudka uu dalkaas la wadaaga dalka Kenya.

Jiinka wabiga ayaa inta badan waxaa ka dhaca iska horimaadyo u dhaxeeya dadka deegaanka oo ka soo kala jeeda labada dal, taasoo ay ugu wacan tahay isqabqabsiga dhanka kalluumeysiga, daaqsinta iyo ceelasha.

Warbaahinta Kenya oo soo xiganeysa dadka deegaanka ayaa sheegaya in xiisado xoogan ay ka taagan yihiin guud ahaan deegaanka Tudunyang oo ku dhow xadka ay wadaagaan labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here