Ciidamada Shisheeye ee Burundi oo Isaga Bixi Doona Soomaaliya iyo Shisheeyaha Oo Kala Qaybsaday Tirada Askarta ee ka Joogi Doonto Soomaaliya.

35
0

Wararka ka imaanaya magaalada Moqdisho ayaa tibaaxaaya in ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga Soomaaliya ay kala qaybsadeen joogitankoda cusub ee dalka.

Sida warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan ciidamada shisheeye ee Burundi ayaa gebi ahaan isaga bixi doona dalka Soomaaliya.

Sidoo kale howlgalka cusub ee loogu magac daray AUSSOM ayaa loo qeybsaday illaa shan  dowladood waxaana ugu ciidan badan dowladaha Yugaandha iyo Itoobiya.

Ciidamada shisheeye ayaa sidaan ukala qeybsaday tirada askarta ee ka joogi doonta Soomaaliya:

1- Uganda: 4500  oo askari

2- Kenya: 1410 oo askari

3- Ethiopia: 2500  oo askari

4- Djibouti: 1520 oo askari

5- Masar: 1091 oo askari

ciidamada shisheeye ayaa ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa si buuxda ugu fashilmay la dagaalanka xarakada mujaahidiinta Alshabaab ayagoo quus ka taagan dagaalka ay kula jiraan jihaadiyiinta Alshabaab ee ka taliya dhul baaxad leh oo dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Khuburada dhanka ciidamada ayaa sheegaya in mashruuca ciidamada shisheeye ee Soomaaliya uu yahay mid gabo gabo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here