Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer ayaa sheegay in xukumadiisu ay kordhin doonto miizaaniyada milatariga dalkaa 2.5%.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in duulaanka uu madaxweynaha Ruushka Putin uu ku soo qaaday dalka Ukraine uu san ku ekaan doonin xudduudaha dalkaas.
Keir Starmer ayaa tilmaamay in jawaabta kaliya ee kaga jawaabayaan duullaanka Ruushka ee dalka Ukrain uu yahay inay ka hortagaan ayagoo adeegsanaaya awood ciidan.
Starmer ayaa sidoo kale tibaaxay in haddii aan Ukraine la ilaalin, ammaanka Yurub wajihi doono khataro amni asago carabka ku adkeeyay in muddo 3 sano ah ay ka daaheen ka falcelinta duulaanka Ruushka ee Ukraine.