Diyaarad ay leeyihiin ciidamada dalka Sudan ayaa burburtay xilli ay ka kacday saldhig ay leeyihiin ciidamada cirka ee Waadi Saydna ee waqooyiga Omdurman.
Diyaarada ayaa ku dul dhacday xaafad ku taal magaalada Omdurman ee gobolka Khartoum.
Shilkaas waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Sudan ee SUNA maanta oo Arbaco ah.
Wakaaladdu waxay sheegtay in burburka diyaaradda nuuceedu yahay Antonov uu sababay dhimashada 46 qof iyo dhaawaca 10 kale.
Baxaada khasaaraha ayaa lagu ogaaday ka dib markii la dhammeeyey qaadista burburka guryihii ay waxyeeladu ka soo gaartay shilka diyaaradeed, iyadoo la soo gaba gabeeyay baaritaanadii u dambeeyay.
Afhayeenka Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan ayaa hadal kooban oo uu soo saaray ku yiri: “Mid ka mid ah diyaaradaheena ayaa gashay shil xilli ay ka duulaysay garoonka Wadi Saydna”.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay xilli dalka uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dacmu Sariic iyo Ciidanka Suudaan, kaas oo qarxay bishii April ee sanadkii 2023-kii.