Madaxwaynaha Suuriya oo Booqashadiisii Saddaxaad ku Tagay Urdun.

21
0

Maanta oo Arbaca ah, Boqor Cabdallaha Labaad ee dalka Urdun ayaa qaabilay Madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Shara, oo dalkaaas ku yimid booqashadiisii ​​saddexaad oo uu ku tago meel kabaxsan Siiriya tan iyo markii uu talada dalkaasi qabtay.

Wakaaladda wararka ee Urdun (Petra) ayaa sheegtay, in Boqor Cabdallah uu garoonka diyaaradaha ee magaalada Cammaan ee caasimadda dalkaas, uu ku qaabilay Al-Shara oo uu wehliyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Asaad Al-Shaibani iyo tiro mas’uuliyiin ah.

Wakaaladdu ma aysan sheegin faah faahin dheeri ah oo ku saabsan barnaamijka booqashada oo ah tii ugu horeysay ee Sharaa uu ku tago dalkaas, kadib markii la afgambiyay maamulka Bashaar Al-asad. Safarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee uu Shara ku tago dalka dibaddiisa, tan iyo markii uu xilka qabtay, kaddib booqashooyin uu ku tagay Sacuudiga iyo Turkiga.

Labada dhinac ayaa la filayaa, in ay wada hadallo ballaaran ka yeeshaan amniga xuduudaha iyo siyaabaha kor loogu qaadi karo xiriirka ganacsiga ee labada maamul.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Suuriya Asaad al-Sheibani ayaa booqday Cammaan 7-dii Janaayo, wuxuuna kala hadlay dhiggiisa Jordan Ayman Safadi arrinta xudduudaha labada dal, iyo tahriibinta hubka iyo arimo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here