Wararka inaga soo gaaraya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa tibaaxaya, in Cudur qarsoon oo ka dillaacay dalkaas ay u geeriyoodeen, in ka badan 50 qof, taas oo sare u qaadaysa cabsida laga qabo in cudurro cusub ay ka dillaacaan dalkaan ay halakeeyeen colaadaha, iyadoo sannadihii u dambeeyay ay ka jiraan dhibaatooyin dhanka caafimaadka ah.
Cudurkan ayaa 21-dii bishii ina dhaaftay ee Janawari ka billowday magaalada Poloko ee ku taalla waqooyi-galbeed ee dalkaas, wuxuuna si degdeg ah ugu fiday deegaanno kale sida Bumati. Cudurka ayaa ah mid qarsoodi ah, iyadoo warbixinada ay tilmaamayaan, in inta badan qofka laga arka caalamadaha cudurkaan uu u geeriyoonaya 48 saacadood gudahood.
Wararka ayaa intaa ku daraya, in 419 xaaladood oo caabuq ah la diiwaangeliyay tan iyo markii uu dillaacay cudarkani, oo ay ku jiraan 53 kiis oo dhimasho ah.
Mid kamida agaasimayaasha isbitaallada ku yaalla Konga, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in xawliga uu ku socda cudurka iyo heerka dhimashadiisa ay tahay walaac weyn. Iyadoo dhanka kale waxa loogu yeero Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay ku dhawaaqday, inay baarayso waxa sababay cudurkan dahsoon, waxa ayna ku nuux-nuuxsatay inay si dhow ula socoto xaaladda.
Waxa baryahaan danbe kusoo batay caalamka cudurro aan la garanayn magacooda ama dawadooda, taas oo lagu macneeyay inay sabab utahay dunuubta ay Aadanaha ka galayaan Allihii uuntay, si loo tuso bal inay ku waana qaadanayaan iyo inay ku madax adaygayaan gafafkooda.