Jabhadda National Liberation Front oo ah falaago ka hawlgasha dalka Niger oo daacadda u ah madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mohamed Bazum, ayaa sheegtay in hoggaamiyahooda lagu xiray bariga Liibiya dhammaadka toddobaadkii hore.
Jabhaddan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in kuwa fuliyey xariga hogaamiyahooda ay ammaaneen geesinimadiisa, iyagoo si maldahan u qiray xariggiisa, balse si dhab ah ma aysan u sheegin halka lagu xiray iyo cidda geysatay xarigiisa.
Dhankeeda, shabakada wararka ee “Air Info”, oo fadhigeedu yahay waqooyiga Niger, ayaa sheegtay in Salax lagu xiray Axadii xabsi ku yaalla Qatrun, oo ah magaalo ku taalla koonfur-galbeed dalka Liibiya oo u dhow xad beenaadka Niger ay la wadaagsto dalkaas.
Sida laga soo xigtay Air Info, hogaamiyaha Jabhadda Xoreynta Qaranka ayaa la xiray intii lagu guda jiray weerar ay fuliyeen qeybta 87-aad ee ciidanka dawladda Liibiya ee uu hoggaamiyo Khalifa Haftar, oo ah mas’uulka ugu awoodda badan bariga Liibiya.
Jabhadda National Liberation Front ayaa qaaday weerarro badan oo ka dhan ah ciidamada Nigeria ee ku sugan waqooyiga dalkaas, waxayna sheegatay mas’uuliyadda weeraro laga fuliyay bartamaha bari ee dalkaas bishii June ee sanadkii hore, kuwaas oo lala beegsaday dhuumaha saliidda ka soo qaaday Agadem oo ku taalla waqooyi bari Niger una sii jeeday dalka deriska la ah ee Benin.