Hashiiskii Marinka Gaza oo la Filiyo inuu Dib u Bilaawdo Khamiista Barito.

23
0

Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ayaa sheegay, in iska caabinta Falastiiniyiintu ay doonayaan inay wareejiyaan berri oo Khamiis ah meydadka 4 maxbuus oo Yahuud ah, iyadoo lagu wado dhanka Yahuudda  inay sii deyso dufcaddii Toddobaad ee maxaabiista Falastiiniyiinta oo sii deyntooda dib loo dhigay Todobaadkii hore.

Dhaqdhaqaaqa ayaa bayaan uu soo saaray intaa ku daray, in dhexdhexaadiyayaashii Masar ay arrintaas dammaanad qaadeen, Xamaasna ay ka go’an tahay geeddi-socodka hashiiska iyo in la dhameystiro.

Xamaas ayaa xaqiijisay, in xarakada aan loo soo bandhigin wax soo jeedin ah oo ku saabsan wajiga labaad, inkastoo ay diyaar u yihiin oo ay doonayaan in ay horay u sii wadaan si loo dhameystiro marxaladaha heshiiska xabad joojinta.

Wararka ayaa intaa ku daraya, in la isku afgartay in la sii daayo maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee uu dib udhigay gumaystaha Sabtidii ina dhaaftay, waxaana la filayaa in lasii daayo barri oo Khamiis ah.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa  soo xigatay ilo xog ogaal u ah wada xaajoodka oo leh “Sida heshiiska uu dhigayo, Xamaas iyo kooxaha wax iska caabinta waxay soo wareejin doonaan maydadka 4 maxbuus oo Yahuud ah, Yahuuddana waxay xabsiyada ka sii deyn doontaa 625 maxbuus oo Falastiiniyiin ah”.

Waxa uu ilo wareedkaan sheegay, in maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee la rabay in ay Yahuuddu sii deyso Sabtidii lasoo dhaafay ay gaarayaan 602 maxbuus, marka lagu daro 23 carruur iyo haween ah oo la sii dayn doono muqaabilka meydadka Yahuudda.

Xamaas ayaa Sabtidii ku wareejisay hay’adda Saliibka Guduudan 6 maxbuus oo Yahuudd ah oo nool iyo maydadka 4 kale oo maxaabiis ah, hay’adda ayaana u gudbisay Yahuudda, balse Sahaayinada ayaa dib u dhigtay sii deynta dufcaddii loo qorsheeyay maalintaas oo ah in ka badan 600 oo maxbuus oo Falastiiniyiin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here