DEG DEG: Ciidamada Xarakada Alshabaab Oo Gudaha u Galay Degmada Balcad.

33
0

Ciidamada xarakada Al Shabaab ayaa saaka waxay weerar culus ku qaadeen degmada Balcad  ee gobolka Sh/dhexe.

Goob joogayaal ku sugan gudaha degmada Balcad ayaa sheegay in ay maqlayaan jugta hub culus oo ay is dhaafsanayaan ciidamada xarakada Alshabaab iyo kuwa dowlada federaalka.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ciidamada xarakada Alshabaab ay gudaha usoo galeen xaafado muhiim ah oo katirsan degmada Balcad.

Magaalada Balcad ayaa qiyaastii 30Km dhanka waqooyi uga beegan magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here