Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalkii saakay ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen saldhiyada iyo xarumaha maamulka ee degmada Balcad.
Wararku waxay sheegayaan iney Miallateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab soo jiireen saldhiyadii ay askarta Dowladda Fedaraalku kulahaayeen gudaha degmadaasi, islamarkaana la wareegeen xarumihii maamulka degmada.
Dhanka ciidanka Dowladda Fedaraalka ayaa isaga cararay dhamaan goobihii lagala wareegay, waxaana xilligan gacanta ku haya ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.