Gumaystaha Yahuudda ayaa subaxnimadii Maanta sii daayay boqolaal maxaabiis Falastiiniyiin ah, kuwaas oo loo qaybiyay Daanta Galbeed, marinka Gaza iyo Quddus, halka muqaawamada Falastiin ay maanta ku wareejisay hay’adda Saliibka Guduudan maydadka 4 maxbuus oo Yahuud ah.
Gumaystaha Yahuudda ayaa hakiyay sii deynta 46 maxbuus oo isugu jira haween iyo caruur kuwaas oo lagu waday in la sii daayo maanta, taasoo qeyb ka ah dufcaddii Toddobaad ee wajigii koowaad ee heshiiska xabbad joojinta ee Gaza.
Wararka ayaa tibaaxaya, in guumaystuhu ay diideen in la sii daayo 46 maxbuus illaa laga xaqiijiyo aqoonsiga maydadka afarta maxbuus ee Yahuudda ah ee ay gacanta ku hayeen guutada Muqaawamada.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda ayaa sheegay, in meydadka ay hadda yaallaan gudaha Yahuudda, waxaana la sheegay in baaritaanno bilow ah lagu sameeyay maydadkaasi, si loo baaro sababaha dhimashadooda.
Naxashka afarta mayd ayaa soo gaaray machadka caafimaadka ee Forensic Medicine oo ku yaalla xaafadda Abu Kabir ee magaalada Tel Aviv si loo xaqiijiyo aqoonsiyadooda.