Yahuudda oo Weerartay Meel u Dhow Qabriga Xoghayihii Hore Xisbullaah Hashem Safieddine ee koonfurta Lubnaan

16
0

Diyaarad Drone ah oo ay leedahay Yahuudda ayaa fiidnimadii Khamiista weerar ku qaaday meel u dhow qabriga Xoghayihii hore ee Ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan Hashem Safieddine oo ku yaalla magaalada Deir Qanoun al-Nahr ee koonfurta Lubnaan.

Labo qof ayaa lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuuddu galabnimadii Khamiista ka geysteen deegaanka Hermel ee dooxada Bekaa, ee bariga Lubnaan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Lubnaan.

Waxaa xusid mudan in 26-kii November lagu dhawaaqay heshiis xabbad joojin ah oo ay wada gaareen ururka shiicaga ah ee Xisbullaah iyo Yahuudda, iyadoo lagu hashiiyay, in Sahaaiyanada ay lixdan maalmood kadib isaga baxdo dhulka Lubnaan.

Waqtiga loo qabtay fulinta heshiiska ayaa lagu daray illaa 18-ka Febraayo. Yahuudda ma aysan u hoggaansamin qodobbada heshiiska, balse, muddadii ay ku hartay koonfurta Lubnaan, waxay fulisay duqeymo iyo burburin ka dhan ah dadka rayidka ah. Ciidamadeeda ayaa weli ku sugan 5 goobood oo katirsan koonfurta Lubnaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here