Khasaaraha Kamiinkii Shalay ka Dhacay Duleedka Dagmada Xudur oo Kordhay.

19
0

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shalay weerar kamiin iyo qarax iskugu jira ku qaaday ciidamo kolanyo ah oo mararyay duleedka magaalada Xudur ee gobalka Bay.

Khasaaraha ka dhashay kamiinkaas ayaa sii korodhay waxayna gaartay dhimashada 8 askari oo ay ku jiraan 3 sarkaal, halka dhaawucuna uu gaaray illaa 15 askari oo ay saraakiil kale ku jiraan.

Saraakiisha weerarkan ku dhintay ayaa lagu kala magacaabaa

1-Cadow Xaaji oo ahaa taliye hoorin

2-Madsan Kuusow oo ahaa taliye urur

3-Sarkaal lagu magacabai jiray Cadow Aadan Same

Madaxwaynaha maamulka lamagac baxay Koonfur Galbeed Laftagareen oo warbaahinta la hadalay ayaa xaqiijiyay dhimashada saraakiil ka tirsan ciidankiisa oo shalay ku dhimatay weerarkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here