Shil Gaari oo Sababay Dhimashada iyo Dhaawaca ku Dhawaad 50 Qof oo Rakaab Ahaa ayaa ka Dhacay Dalka Thailand.

17
0

Shil gaari oo sababay dhimashada dad badan oo rakaab ahaa ayaa ka dhacay waqooyiga dalka Thailand, wuxuuna si gaara uga dhacay  gobolka Prachinburi xilli habeenimo ah, gaariga shilka galay ayaa kusii jeeday gobolka Rayong ee isla dalkaas.

Bayaan ay soo saartay waaxda gaadiidka dhulka ee Thailand, ayaa lagu sheegay, in shilkan ay ku dhinteen 18 qof oo rakaab ahaa, halka ay ku dhaawacmeen 31 kale, kuwaas oo loo gudbiyay xarumaha caafimaadka ee dalkaas.

Bishii Disembar ee sanadkii 2023-ka, shil bas oo ka dhacay galbeedka gobol ka tirsan dalkaas ayaa sababay dhimashada 14 qof iyo daawaca in ka badan 30 ruux. Waxaana gaarigan saarnaa illaa 49 qof oo rakaab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here