Hoggaamiyaha ciidanka kurdida Suuriya ee SDF ninka lagu magacaabo Mazloum Cabd oo xiriir la leh Yahuudda iyo Mareykanka, ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay hoggaamiyaha kooxda kurdida Turkiga ee PKK.
Go’aankan oo uu soo saaray hogaamiyaha kooxdaas Cabdallah Ocalan, ayaa lagu kala diray PKK, isagoo ku sheegay baaqaa mid taariikhi ah oo ay taageerrayaan. Balse wuxuu xaqiijiyay inuu go’aanka quseeyo PKK oo uusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha kurdida Suuriya oo ay ku jirto SDF.
Bogaadintiisa hadalkan ayaana la sheegay in uu ula jeedo hub ka dhigista iyo kala darista PKK inaysan saameyn ku lahayn kooxaha kale ee Kurdida.
Bilihii lasoo dhaafay Kooxaha kurdiyiinta ee ka dagaalama Suuriya ayaa cadaadis kala kulmayay dawladda Turkiga, taas oo duqaymo laayaana ka gaystay gudaha dalkaas.