Midowga Yurub oo Diiday Hadal kasoo Yeeray Madaxwaynaha Mareykanka.

19
0

Wasiirradda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Kaya Kalas, ayaa wareysi ay siiyay Wakaaladda Wararka ee Faransiiska ku sheegtay, in dammaanad qaadka ugu wanaagsan ee ammaanka Ukraine uu yahay inay ku biirto NATO, iyadoo ku eedeeysay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu ku dhacay dabinka Ruushka, kadib markii uu ku baaqay in la xiro albaabka NATO si aysan ugu biirin Kiev.

Kalas ayaa sidoo kale ka digtay in reer Yurub aysan awoodi doonin inay gacan ka geystaan ​​sidii heshiis nabadeed looga gaari lahaa Ukraine hadduu san Mareykanka ka qeybgelinin wada xaajoodka, taasoo madaxweynaha Mareykanka uu illaa hadda ka saaray isaga oo si toos ah ula xaajooday dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin.

Xoghayaha guud ee NATO Mark Rutte ayaa Khamiistii sheegay, in Mareykanka iyo isbaheysiga ay sii xoogeysanayaan. Waxa uu intaa ku daray kadib markii uu taleefoon kula hadlay Trump, in wadamada NATO ay si degdeg ah u kordhinayaan maalgashiga difaaca, ayna ku dhawaaqi doonaan kharashaad dheeri ah oo militari.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in xubnaha NATO ay u diyaarinayaan Ukraine balaayiin dollar oo dheeri ah oo gargaar ah, marka lagu daro tabarucaadka dammaanad qaadka amniga si loo soo afjaro dagaalka Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here