Madaxweynaha Ukraine oo Boqosho Rasmi ah ku Tagay Mareykanka.

20
0

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa booqasho ku tagay dalka Mareykanka si uu wadahadal ula yeesho dhiggiisa Mareykanka Donald Trump, taas oo ku saabsan mustaqbalka dagaalka Ruushka.

Booqashadan ayaa lagu wadaa in loogu saxiixo heshiis uu ku daldalanaya Trump macdanta muhiimka ah ee ku jirta Ukraine, taas oo Trump uu magdhaw ahaan ugu qaadanayo kaalmada milatari ee uu Mareykanku siinayay Kiev saddexda sano ee ay dagaal kula jiray deriskeeda Moscow.

Booqashadan ayaa timid kadib toddobaadyo ay labada madaxweyne isweydaarsadeen hadalo afka ah, iyadoo Trump uu ku tilmaamay Zelensky inuu yahay kaligii taliye dalkiisa maamulaya doorasho la’aan, halka madaxweynaha Ukraine uu ku celceliyay in uu dafiray tirooyinka uu bixiyay dhiggiisa Mareykanka ee ku saabsan tirada taageerada ay Washington siisay dalkiisa xilligii uu dagaalka kula jiray Ruushka.

Zelensky waxa uu rajaynayay in heshiiska macdanta uu ku jiro dammaanad qaadka amniga ee uu Maraykanka siiyo dalkiisa, laakiin sida muuqata Trump ma aqbalin.

Trump ayaa xiligii uu ololaha doorashada ku jiray balan qaaday in uu soo afjari doono dagaalka Ukraine isla marka uu xafiiska la wareego, balse markii uu Aqalka Cad yimid waxa uu dagaal kulul la galay Zelensky, xilli maamulkiisu uu sheegay in uu doonayo in la hormariyo wada hadal nabadeed.

Booqashada Zelensky ayaa timid kadib markii ay booqasho ku tageen Mareykanka ra’iisul wasaaraha Britain Keir Starmer iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron todobaadkan, kuwaas oo isku dayay in ay ku cadaadiyaan Trump oo ay ku qanciyaan inuu damaanad qaado ammaanka Kiev.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here