Xoghayaha Golaha Ammaanka ee Ruushka Sergei Shoigu ayaa maanta gaaray magaalada Beijing ee caasimada Shiinaha, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaas, sida ay ku warrantay wakaaladaha wararka ee Ruushka.
Wakaaladaha wararka Ruushka ee TASS ayaa tiri “Inta lagu jiro booqashadiisa oo hal maalin ah, Shoigu waxaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi,”
Booqashadan ayaa timid kadib kulan dhex maray Xi Jinping iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, kulankaas oo madaxweynaha Shiinaha uu ku bogaadiyay dadaalka wanaagsan ee Moscow ee lagu qaboojinayo xiisadda Ukraine.
Moscow iyo Beijing waxa ay xoojiyeen xiriirkooda milatari iyo kan ganacsi tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine, inkastoo Shiinuhu uu doonayo inuu dhex dhexaad ka noqdo colaadda saddex sano jirsatay ee u dhaxayso dawladaha Ruushka iyo Yukrayn.
Sida laga soo xigtay warbaahinta dawladda Ruushka, Shoigu wuxuu kala hadli doonaa madaxda sare ee Shiinaha arrimaha amniga labada dhinac, iyo sidoo kale arrimaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka.
Beijing ayaa weli ah xulafada siyaasadeed iyo dhaqaale ee Moscow, waligeedna ma soo saarin wax cambaarayn ah oo ku aadan duulaanka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine.