Ciidamada Ansaaru Shariica oo ah farac kamid ah Alqaacida oo ka dagaalama dalka Yeman ayaa fuliyay howlgal dil ah.
Guutada amniyaadka ee Alqaacidada Yeman ayaa toogasho ku dilay sarkaal lagu magacaabo Yuusuf Al-Radfani.
Sarkaalkaan ayaa lagu dilay gudaha gobolka Abyan ee dalka Yeman, xilli uu socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya Alqaacida iyo maleeshiyaadka Imaaraadka Carabta ee maamulaan.