Waxyaabaha Soonka jebiya waxaa ka mid ah:
- Cunid & cabid bareer ah
- 2.Jimaaca maalinkii
- Matag kas la isaga keeno
- Cirbado nafaqo leh oo la qaato
- Shahwada oo la isaga keeno si kas ah
- Caadada & xeydka dumarka oo ka yimaada dumarka
- Hadii uu diinta ka baxo isagoo soomman
- Haddii uu waasho isagoo soomman
Waxyaabaha aanan soonka jebinin waxaa ka mid ah:
- Dhiig qof loo shubo
- Qubeyska
- Cadaysiga
- Candhuufta
- Cunid & cabid aan loo qasdin – hilmaan
- Matag kusoo dhaafo oo aadan uqasdin
- Janaabo kaa imaaday adigoo maalinkii hurda
- Waaga oo kuu barya adoo janaabo qaba.
Sidoo kale, iska illaali waxyaabaha naaqusiya ajirka soonka oo ay ka mid yihiin:
- Xanta
- Caayda
- Isku dirka
- Beenta
- Indhaha oo meel xun lagu eego
- Dhegaha oo xumaan lagu dhegeysto
- Qamaarka oo la dheelo
- Dagaalka
Waxyaabaha sare u qaada ajirka soonka waxaa ka mid ah:
- Qur’aan akhriska badan
- Salaadaha sida taraawiixda & tahajudka
- Wanaaga oo la is-faro xumaanta oo la iska reebo
- Dariiqa oo laga qaado waxyaabaha dadka dhibaaya
- Indhaha oo la laabo
- Carrabka oo la xakameeyo
- Masaajidka oo la cammiro
- Farjiga oo la dhowro
- Furimaha jihaadka oo lagu Ribaado.
Soonka qofku waa uu iska Afuri karaa hadii Saddexdan mid yahay.
- Haduu yahay musaafir
- Haduu xanuunsado xanun daran
- Hadey.Tahay Hooyo ayna u cabsato ilmaha ay nuujinayso ama midka caloosha ku jira .
Allaha naga aqbalo bisha barakaysan ee Ramadaan.
Xigasho: Baraha Bulshada