Ruushka oo Dhoolatus Military Kusoo Bandhigay Tijaabada Gantaal Xambaara Dayax-gacmeedyada.

18
0

Ciidamada cirka ee dawladda Ruushka ayaa tijaabiyay gantaalka Soyuz oo ah nooca xambaara dayax-gacmeedyada, kaas oo ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas inuu qayb ka yahay nidaamka  difaaca cirka ee Ruushka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee RIA.

Wakaaladdu waxay intaas ku dhartay, in gantaalka Soyuz-2.1b laga riday garoonka duulimaadyada hawada sare ee Plesetsk ee ku yaalla gobolka Arkhangelsk waqooyiga Ruushka.

“Ciidamada cirka ayaa si guul leh u riday gantaalka Soyuz-2.1B oo ah nooca riddo ahaan dhexdhexaadka ah, kaas oo xambaara dayax-gacmeedyada” waxaa sidaas lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Tiijaabada gantaalkan ayaa kusoo aadaysa ayadoo ay cirka isku shareertay xaalada ka dhex taagan Maraykanka iyo Ukraine, taas oo ay madaxda Washitong ku doonayaan inay kaalmada military  uga jartaan Kiev.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here