Wargeyska Wall Street Journal oo soo xiganaya saraakiil Ameerikaan ah ayaa sheegay, in maamulka madaxweyne Donald Trump uu go’aansaday inuu joojiyo maalgelinta hubka cusub ee loo iibinayo dalka Ukraine, maalmo kadib markii uu Trump aqalka cad ku bahdlay madaxweyne Ukraine Volodymyr Zelensky.
Saraakiisha Ameerikaan ayaa wargeyska u sheegay, in go’aanka maamulka Trump uu halis gelinayo awoodda Kiev oo ku jirta xaalad dagaalka oo xasaasi ah.
Wargeyska oo soo xiganaya sarkaal ka tirsan Kongareeska ayaa sheegay, in Aqalka Cad uu maanta oo Talaado ah shir ka yeelanayo sidii loo joojin lahaa shixnadaha hubka ee u socda dalka Ukraine.
Saraakiisha Ameerikaan ah ayaa wargeyska u sheegay, in Ukraine ay awood u yeelan doonin inay qaado weerarro aad u fog iyo inay difaacdo booskeeda dambe marka saadka Mareykanka uu dhamaado.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay Aqalka Cad, in Washington ay joojin doonto taageerada ay siiso Ukraine ayna dib u eegis ku sameyn doonto si loo xaqiijiyo inay gacan ka geysato xal u helida colaadda.
Mawqica Bloomberg oo soo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay, in Maraykanku uu joojinayo dhammaan kaalmada milatari ee uu hadda siiyo Ukraine, oo ay ku jiraan hubka u socda Ukraine ama kuwa ku sugan meelaha hubka lasii marsiiyo sida Poland.
Sarkaalkan ayaa u sheegay Bloomberg, in gargaarka Ukraine la hakiyay illaa Trump uu go’aan ka gaaro in madaxda dalkaas ay muujinayaan niyad wanaag ku aadan nabadda.
Trump ayaa dhankiisa sheegay in madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ay ahayd in uu aad ugu mahadceliyo garab istaagga Mareykanka ee dalkiisa.
Waxa uu intaa ku daray, in Maraykanku uu Kiev siiyay wax ka badan inta ay Yurub siin jirtay, isla markaana uu doonayo in dagaalka Ukraine uu si degdeg ah u dhammaado oo uusan sannado badan sii soconin.
Mar sii horeysay, Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay, in hadalka Zelensky ee ku aaddan in nabada Ruushka ay fog tahay, uu yahay hadalkii ugu xumaa ee uu ku hadlo, Mareykankana uusan u dulqaadan doonin muddo intaa ka badan inuu sii socdo dagaalka.