Tobanaan kamida Ciidamada Taageerada Degdegga ah oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo ka Dhacay Magaalada Al-Fasheer.

13
0

Magaalada Al-Fasher ee caasimadda gobolka waqooyiga Darfur ayaa lagasoo sheegayaa in Ciidamada Suudan ay weerar culus ku qaadeen fariisimaha maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah ay ku leeyihiin magaaladaas, waxaana weerarkaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday tobanaan ka tirsan xooggaga Dacmu Sariic.

Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay, in ciidamada Suudan ay hawlgallo balaaran ku beegsadeen saldhigyadii ay maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah ku lahaayeen hareera magaalada Al-Fasheer, halkaas oo jab culus lagu gaarsiiyay xooggaga RSF.

Warbaahinta dawladda ayaa intaas ku dartay, in dagaalka kaddib ay maleeshyaadku magaalada la beegsadeen duqaymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaano Drones-ka, kuwaas oo lagu beegsaday xaafadda Abuu Jarbuun, inkastoo aysan jirin cid wax ku noqotay weeraradaas.

Tan iyo bartamihii bishii April ee sanadkii 2023-ka, ciidamada Suudan iyo xoogaga Taageerada Degdegga ah ayaa waday dagaallo ba’an oo ay ku dhinteen in ka badan 20 Kun oo qof, halka ay ku barakaceen ku dhawaad ​​15 milyan oo Suudaaniyiin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here