Zelensky: Ukraine Waxay u Baahan Tahay Nabad Dhab ah.

43
0

Madaxweynaha Ukraine ayaa Isniintii sheegay, in dadka reer Ukraine ay u baahan yihiin nabad dhab ah, isagoo xusay in dalkiisu uu la shaqeynayo Mareykanka iyo Yurub, uuna aad u rajeynaya taageerada Washington ee waddada nabadda.

Zelensky waxa uu carabka ku adkeeyay in Ukraine ay tahay tan ugu badan ee doonaysa nabadda, sababtoo ah “dagaalku wuxuu burburinayaa magaalooyinkeena iyo tuulooyinkeenna, waxaana ku waynaynaa dadkeena,” isagoo xusay, inuu sii wado la shaqeynta kuwa uu ugu yeeray saaxiibada, isagoo yiri “Hore ayaanu wada hadal u yeelanay, waxaana jira tallaabooyin kale oo dhowaan soo socda.”

Zelensky ayaa ku yiri, qoraal uu soo dhigay baraha bulshada,  “waa inaan joojinaa dagaalka oo aan sugnaa amniga, inagoo diblomaasiyaddeenna ka dhigayno mid waxtar leh si loosoo afjaro dagaalka sida ugu dhaqsaha badan.”

Balse xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Ukraine, inuu carqaladeynayo wadahadallada nabadeed ee Ukraine mar uu Washington kula kulmay madaxweyne Trump Jimcihii lasoo dhaafay.

Rubio waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay, in aan lasoo afjari karin dagaalka haddii labada dhinac ay soo fariisan waayaan miiska wada xaajoodka, isagoo ku nuuxnuuxsaday, muhiimada ay leedahay in Ruushka la keeno miiska wada xaajoodka oo aan lagula macaamilin cadaawad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here